1 min read

Golle wasiirro oo loo magacaabay Gobolka Tigray.

Maamulka kumeel gaarka ah ee dhawaan laga dhisay gobolka ay dagaalladu halakeeyeen ee Tigreega ayaa magacaabay gole wasiiro oo ka kooban 27 xubnood si ay u hogaamiyaan isbadalka siyaasadeed ee deegaanka, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Arintan ayaa ku soo aadaysa kadib markii dawlada federaalka ah ee Ethiopia iyo ururka TPLF ay kala saxeexdeen heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaal bahalnimo oo ka socday gobolka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha cusub ee Tigray Getachew Reda uu garabkiisa joogi doonaan labo madaxweyne ku xigeen oo kala ah Gen Tsadkan Gebretensae iyo Gen Tadesse Werede oo ah taliyayaashii ciidamada Itoobiya kula dagaalamay dagaalkii dhawaan dhacay.

Gen Tsadkan ayaa mas’uul ka noqon doona maamul daadejinta iyo dimuqraadiyeynta, halka Gen Tadesse uu noqon doono madaxa xoghayaha nabadgalyada iyo amniga.

Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin, balse magacaabista xilalkan ayaa si weyn looga hadal hayaa warbaahinta gudaha.

Golaha wasiirada cusub ayaa waxaa u badan kooxda TPLF, balse waxaa ku jira laba xubnood oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Baytona oo gacan saar la leh kooxda TPLF.

23-kii Maarso, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Mr Getachew, oo ah afhayeenka kooxda TPLF u magacaabay hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Tigrayga.

Waxa uu xilka kala wareegay Debretsion Gebremichael, ilaa shan sano oo uu xilka hayay.

Intii uu xilka hayay, waxaa soo ifbaxay khilaaf xooggan oo u dhexeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, taasoo dhalisay dagaal galaaftay nolosha boqolaal kun oo qof.