1 min read

Imaam Masjid oo Caawa lagu dilay Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Kooxo hubeysan oo la sheegay inay burcad ahaayeen ayaa degmada Kaaraan ku dishay Sheekh Cabdi Cubeyd Cali oo ahaa mu’adin iyo Imaam Masaajid.

Kooxaha hubeysnaa ayaa dilay mu’adin iyo Imaam ka ahaa Masjid uu waqfay Aabihiis Cubeyd Cali.

Ciidamo katirsan Booliska degmada Kaaraan ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo ay ku  aadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka, balse aysan ku guuleysan inay soo qabtaan.

Degmada Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka ugu amniga xun Gobolkab Banaadir, waxaana inta badan dadka kudila Ciyaal weero iyo kooxo burcad ah oo dhac geysanaya.