2 mins read

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo bandhigtay waxqbadkeeda iyo dagaalka Al-Shabaab.

1:Madaxweynaha JFS mudane; Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkan Cabdikariin Xuseen Guuleed u magacaabay inuu noqdo Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Soomaalinad, sidoo kale Maxamed Cabdi Waare ayaa loo magacaabay Ergeyga Xasilinta.

2:MadaxweyneXasanSheekhMaxamuud oo warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomaydanjireyaashadalalka Djibouti, Canada iyo Cuba.

3:Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo bogaadiyay Hawlgalka Midowga Afrika xilli ATMIS ay xuseyso sannad guuradeedii 1aad tan iyo markii la dhisay.

4:Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo guddoomiyay shir looga hadlayey wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xoreynta dalka.

5:Wejiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta Al Shabab oo dhowaan bilaabanayaa, kaas oo ay qeyb ka noqonayaan dalalka deriska oo taageeraya Dowladda Soomaaliya.

6:Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ansixiyey sharciga nidaamint agaadiidka Mooto Bajaajta.

7:Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka oo gargaar aadminimo gaarsiisay Baardheere, Xuddur iyo Mesagawaa iyo barakacayeesha ku nool GobolkaBanaadir.

8:Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo loo soo gudbiyay kiisas la xiriira lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.

9:Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in guudahaan la curyaamiyay hannaankii maaliyadeedee Khawaarijta.

10:Cabdi XasanHulbaale oo ka mid ahaa horjoogeyaasha Khawaarijta Al Shabab oo isku soo dhiibay CiidankaX oogga Dalka ee sugan Gobolka Shabeellaha Hoose.

11:Laba xubnood oo Khawaarijta ka tirsan Bishaar Shardi Maxamed Xasey iyo Yusuf Suleyman Abukar Jirow Salaaxudiin ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

12:Horjooge Xuseen Daahir Maalin Dhegay oo Khawaarijta Al Shabab ugu qaabilsanaa weerarada shacabka lagu waxyeeleeyo ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Horjooge Calas Ibraahim Axmed Barre ayaa isna lagu soo qabtey hawlgal isla deegaankaasi ka dhacay.

13:Ciidamada Xoogga Dalka oo tuulada Makuud ee duleedka Baydhabo ku dilay 14-ka mid ah Khawaarijta Al-Shabaab.

14:Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo bilowday in ay gargaar cunto ah u fidiso dadka ku nool deegaannada laga xoreeyay Al Shabab, iyadoo la fulinayo halku-dhigganabad ku afur.

15:Guddiga tartan ka adeegga xajka sanadka 2023 ayaa soo saaray liiska 75 shirkadood oo ku guuleystay bixinta adeegga xajka ee sannadkan.