1 min read

Soomaali ka shaqeysa Xarunta Shirkadda Amazon ee Minnesota oo diiday in xarun kale loo wareejiyo.

Soomaali badan oo ka shaqeysa xarun ay leedahay Shirkadda weyn ee Online-ka wax ku iibisa ee Amazon ayaa kahor yimid go’aan maamulka shirkaddaas uu ku gaaray in albaabada la isugu dhufto xafiiska Degmada Shakopee ee Gobolka Minnesota.

Maamulka Shirkadda ayaa sheegay in uusan diidaneen shaqada ay u hayaan Dadka Soomaalida ah balse loo wareejinayo xarun kale balse waxaa go’aankaas diiday qaar kamid ah howlwadeennada ka shaqeeya.

Waxa ay ku tilmaameen mid looga aargudanayo dalab ay direen oo ah in lacagta loo kordhiyo, shaqalahaan Soomaalida ah ayaa ku dooday in aanay u cuntamin in laga wareejiyo gobolka ay deegaanka ku yihiin.

Qaar kamid ah Shaqaalaha diidan in xarun kale ay u wareejiso Shirkadda ayaa dood ka dhigtay in labo qayb ay isugu jiraan, qaybta 1aad waa in ay yihiin Dad ku cusub Mareykanka oo aanay heli Karin shaqooyin kale iyo howlwadeennada qaar oo ka fogaanaya deegaankooda.

Maamulka Shirkadda Amazon ayaa ku dooday in uu Xafiiska Degmada Shakopee ee Gobolka Minnesota la xirayo, go’aankaasina aanay ka dhigneen in shaqada laga saarayo shaqaalaha badan ee xafiiskaas laakiin loo wareejinayo xarun kale.

Shirkadda Amazon waxaa la aasaasay 5tii July 1994dii waxa ay sheegtay in dhammaadka March 2023 albaabada la isugu dhufan doonno xafiiska shirkaddaas ay ku leedahay Magaalada Shakopee ee Gobolka Minnesota oo ay u badan yihiin Soomaalida kunool Mareykanka.