1 min read

Duqa Laascaanood: 210 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaalka, 680 kalena waa ku dhaawacmeen”

Ugu yaraan 210 qof ayaa ku dhintay iska horimaad socday muddo 24 maalmood ah oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland  iyo dadka deegaanka sida uu shir jaraa’id ku sheegay duqa magaalada Laascaanood Cabdiraxiim Cali Ismaaciil.

“210-qof oo shacab ah ayaa ku dhintay 680-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaalkaas oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo bulshada deegaanka Laascaanood,” ayuu yiri duqa magaalada lagu muransan yahay, C/raxiim Cali Ismaaciil oo shir-jaraa’id qabtay.

“Dagaalku wuxuu billowday 6-dii February 2023-kii, wuxuuna socdaa muddo 24 maalmood ah,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in 200,000 oo qoys ay ka barakaceen guryahooda kadib dagaalladan.

Rabshadahan ayaa ka dambeeyay kadib markii odayaasha gobolka Sool ee magaalada Laascaanood ay soo saareen bayaan ay ku taageerayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxayna maamulka Somaliland ka codsadeen inay ciidamadooda kala baxaan deegaankaasi.

Somaliland ayaa ku dhawaaqay xabbad-joojin 10-kii February, balse maalmo kadib waxay Soomaaliya ku eedeeyeen inay weerartay ciidamadeeda.

Dagaalkan ayaa walaac ku abuuray beesha caalamka, iyadoo Qatar, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Britain, iyo Mareykanka ay ka mid yihiin dalalka ku baaqaya in la joojiyo rabshadaha, sida ay ku sheegeen bayaan wadajir ah oo Talaadadii lasoo saaray.

AFP.