1 min read

Ciyaaryahan Achraf Hakimi oo lagu soo oogay dacwad kufsi.

Paris — Difaaca Kooxda Paris Saint-Germain iyo dalka Morocco Achraf Hakimi ayaa lagu soo oogay dacwad kufsi, waxaa sidaas maanta AFP u sheegay dacwad-oogayaasha Faransiiska.

Hakimi, oo 24 jir ah, ayaa waxaa Khamiistii su’aalo weydiiyey dacwad-oogayaasha, kuwaas oo la xiriiray eedeymo ka yimid haweeney 24 jir ah, waxaana kadib lagu soo oogay dacwad.

Cayaaryahanka ku dhashay magaalada Madrid, ayaa muhiim u ahaa dadaalkii taariikhiga ahaa ee Morocco ay ku gaartay semifinal-ka Koobkii Adduunka ee sanadkii tegay lagu qabtay dalka Qatar.

Waxaa saaka lagu arkayey tababarka kooxda PSG.

Afhayeen u hadlay PSG ayaa sheegay in kooxda “ay taageero siineyso” Hakimi ayna “ku kalsoon tahay nidaamka cadaaladda.

Qareenka cayaaryahanka ayaa sheegay in Hakimi “uu si xooggan u beeninayo dhammaan eedeymaha ka dhanka ah,” islamarkaana uu yahay dhibbanaha “isku day baad.

Hakimi ayaa lagu eedeeyey inuu haweeneyda eedeysay siiyey lacag si ay gurigiisa ugu soo safarto, xilli xaaskiisa iyo caruurtiisa ay dalxiis ku maqnaayeen.

Hakimi ayaa Isniintii ka qeyb-galay xafladda FIFA Best oo lagu qabtay Paris, waxaana uu ka mid noqday liiska FIFPro ee 11-ka xiddig ee sanadka.

Cayaarihii Koobka Adduunka ee Qatar, Hakimi wuxuu laf dhabar u ahaa xulka Morocco oo noqday kii ugu horreeyey ee Carab iyo Afrikaan ah ee abid gaara afar dhammadka Koobka Adduunka.

Sida uu qabo sharciga Faransiiska, in dacwad lagugu soo oogo lagama maarmaan kama dhigeyso in kiiska uu maxkamad gaari doono.

AFP