1 min read

In ka badan boqol qof oo looga cabsi qabo inay ku dhinteen badda Talyaaniga.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in in ka badan 100 qof oo ay ku jiraan caruur ay dhinteen kadib markii doonidii ay la socdeen ay kula degtay badda koonfurta Talyaaniga.

Ugu yaraan 62 qof oo tahriibayaal ah ayaa la xaqiijiyey inay dhinteen, iyadoo 12 carruur ah la sheegay inay ku jiraan dadka dhintay oo uu ku jiro ilmo yar.

Dad u kala dhashay dalalka Afghanistan, Pakistan, Soomaaliya, Syria, Iraq iyo Iran ayaa la sheegay inay saarnaayeen.

Meydadka ayaa laga soo saaray xeebta meel loo u dhow xeebta gobolka Calabria. Ilaalada xeebaha ayaa sheegay in 80 qof la helay iyagoo nool.