1 min read

Wararki ugu dambeeyay dagaal tan iyo saakay ka socday magaalada Laascaanood.

Dagaal u dhexeeya ciidamada jamhuuriyadda goonni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland iyo ciidammada deegaanka ayaa tan iyo saaka ka socda dhinaca waqooyi bari magaalada Laasacaanood.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in xabadda xoogeeda ay ka dhacayso meel magaalada u jirta qiyaastii 8 KM, waxaana aggaas ku yaalla saldhigga Goojacadde ee uu leeyahay milateriga Somaliland.

Dhanka kale, waxaa barakac horleh billaabay dadkii saddex todobaad ka hor ka qaxay magaalada Laasacaanood, kuwaas oo ka baqanaya in markale lagu dul dagaallamo.