1 min read

Xiisad ka taagan garoonka diyaaradaha Doolow kadib iska horimaad ka dhacay.

Doolow — Xiisad ayaa ka taagan garoonka diyaaradaha ee magaalada Dooloow maanta kadib markii iska horimaad dhiig ku daatay uu ka dhacay halkaasi.

Iska horimaadkan ayaa la sheegay inuu daba socdo laba kiis oo ka kala dhacay magaalooyinka Beled Xaawo iyo magaalada Doolow.

Bishan 18-keedii ayaa magaalada Beled Xaawo qarax lagu dilay taliyihii ururka 28-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Aweys, kaasi oo dilkiisa loo soo qabtay saddex qof oo iskugu jira laba sarkaal iyo qof shacab ah.

Saddexdaas qof ayaa loo soo wareejiyey magaalada Doolow si loo maxkmaadeedo.

Bishan 23-keedii ayaa la sheegay inuu dhintay la tuhunsanihii rayidka ahaa iyadoo xilligaas la weydiinayey su’aalo, waxaana la aamisan yahay in biyo lagu rusheeyey sida ay sheegtay maxkamadda milatariga ah ee Soomaaliya.

Markaas kadib waxaa magaalada Doolow gaaray guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute si uu u dhagaysto maxkamadaha labada kiis.

Sarkaalka baaritaanka waday markii uu dhimanayey la-tuhunsaha rayidka ah oo lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Cosoble ayaa maanta maxkamadayntiisu ka dhacday magaalada Doolow, waxaana la sheegay inay socdeen dadaal la doonayey in sarkaalkaas loogu soo wareejiyo Muqdisho maanta, hase yeeshee ay maleeshiyaad soo weerareen garoonka sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay kaoso horjeedaan in sarkaalka loo soo wareejiyo Muqdisho.

Iska horimaadkan waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof oo kale.

Ilaa hadda ma cadda xaaladda, waxaana garoonka magaalada ku go’doonsan guddoomiyaha maxkamadda sare Gaashaanle Sare Shuute iyo saraakiisha maxkamadda ciidamada.

Sidoo kale waxaa la sheegay inay garoonka ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya.