1 min read

South Sudan oo danaynaysa inay dib u soo celiso 2 milyan oo qaxooti ah.

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed ayaa baaq u diray in ka badan 2 milyan oo qaxooti ah oo dalkaas u dhashay inay dalka dib ugu soo laabtaan, qaxootigaas ayaa ku sugan xeryo ku yaalla dalalka deriska la ah South Sudan.

Salva Kiir ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay bilaabayso inay qaxootigaas u fududayso, ammaanka ay u baahan yihiin.

Waxaa jira in ka badan 2.3 milyan oo qaxooti ah oo dalkaas u dhashay oo ku nool xeryaha qaxooti ee kuyaalla dalalka Kenya, Uganda iyo Masar. Madaxweyne Kiir ayaa sheegay in dib u soo celinta qaxootigani ay mudnaanta koowaad u tahay xukuumaddiisa.

Madaxweyne Kiir ayaa hadalkan sheegay xilli uu booqasho ku tegey xero ay ku sugan yihiin barakacayaal kala duwani.

Shacab badan oo dalkaas u dhashay ayaa ka qaxay dalkaas, xilligii ay dhaceen dagaalladii sokeeye, sannadkii 2013, kuwaas oo u dhexeeyey madaxweyne Salva Kiir iyo hoggaamiyihii mucaaradka Riek Machar.

Warkan waxaa qortay Sheila Ponnie