26 Jul, 2024
1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo RW Abiy Axmed kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa Maanta kulan doceed la qaatay Ra’iissul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen arrimaha Geeska Afrika, sigaar ah xiriirka labada dal sidii loo xoojin lahaa, iskaashiga amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab. Ra’iisul Wasaaraha […]

1 min read

Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta shir la qaatay Taliyeyaasha Booliska, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir, Qaybaha, Saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Fadhiyada Madaxa Bannaan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Shirka ayaa waxaa looga hadlayey adkaynta amniga guud ee Dalka iyo si gaar ah amniga caasimadda Muqdisho. Oo mararka qaar ay ka […]

1 min read

Shirka Midowga Afrika oo Diblomaasi Israa’iili ah banaanka loogga saarey .

Muuqaal laga dheehan karo dublamaasi Israa’iil ah oo lagu magacaabo Sharon Bar-li, oo laga soo galbiyay shirka madaxda Midowga Afrika, ayaa ku dhex wareegaya internetka. Wargeyska Times of Israel oo soo xiganaya afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil, ayaa ku eedeeyay Koonfur Afrika iyo Aljeeriya inay mas’uul ka yihiin dhacdadan. Muuqaalkan ayaa u muuqda […]

1 min read

Ciyaaryahan Christian Atsu oo meydkiisa la helay dhulgariirkii Turkiga kadib

Ciyaaryahan Christian Atsu, ayaa meydkiisa laga helay burburka gurigiisa ku dhawaad ​​labo todobaad kadib dhulgariirkii Turkiga, sida uu xaqiijiyay wakiilkiisa. Ciyaaryahanka heerka caalami ee u dhashay dalka Ghana, oo 31 jir ah, ayaa waqtiyo la soo qaatay kooxaha Premier League Ingiriiska ee Everton, Chelsea iyo Newcastle. Atsu ayaa la la’aa tan iyo 6-dii bishan Febraayo […]

1 min read

Sarkaal ka tirsan Daacish oo la dilay iyo Askar Maraykan oo la dhaawacay

Hawlgal ay iska kaashadeen ciddamo Maraykan ah iyo Maleeshiyada Syrian Democratic Forces (SDF) Maraykanka Taageero ayaa la sheegay in Hawlgal ku dileen  Hoggaamiye Sare oo lagu magacaabo Xama Al-Hosi oo ka tirsan Kooxda Daacish (ISIS). Qoraal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Dhexe ee Maraykanka (The US Central Command) ayaa lagu xaqiijiyey in Hamza Al-Hosi  lagu […]

1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay Addis Ababagaaray.+Sawirada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qayb galayo meertada 36-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika. Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 […]

1 min read

Ronaldo oo ku soo baxay gool dhige cajiib ah & Booska ay hadda ku jiraan (Daawo)

Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa isu rogey gool dhige halkii lagu yaqaanney gool dhaliye ahaanta, isagoo kulankii ugu dambeeyey sameeyey laba caawin, kuwaasoo ay ku jirto mid faraha laga taagey, kulankii ay Al-Nassr guuldarradii ku badday Al-Taawoun oo ay 2-1 dirtay horyaalka Saudi Pro League fiidnimadii Jimcahan. Inkasta oo uu dhaliyey 5 gool labadii kulan ee ugu dambeeyey, xiddigga shanta […]