1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo RW Abiy Axmed kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa Maanta kulan doceed la qaatay Ra’iissul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen arrimaha Geeska Afrika, sigaar ah xiriirka labada dal sidii loo xoojin lahaa, iskaashiga amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha itoobiya ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku bogaadiayay dagaalka ay kula jirto Ururka Al-Shabaab dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay ka taageeri doonaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Magaalada Addis Ababa uga qeyb galaya Shirwaynaha Midowga Afrika ayaa kulamo kale la yeelan doona Madaxda ka qeyb galeysa shirkaas