1 min read

Xoghayaha Qaramada Midoobay oo sheegay in Afrika nabaddeedii sii wiiqmayso.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay qoondadii abid ugu badnayd ee laga helayo Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Dhexe si wax looga qabto waxa uu ku tilmaamay ‘xasaradaha la illoobay’ ee adduunka.

Antonio Guterres ayaa sheegay in badh ka mid ah labo boqol iyo konton milyan oo dollar lagu caawin doono dadka halista ugu jira macluusha Afrika. Hadalkan ayuu ka sheegay shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Mr. Guterres ayaa u sheegay hogaamiyayaasha Afrika in tiirarkii nabadeed ay sii wiiqmayaan qaaradda oo dhan, wuxuuna sheegay inuu aad uga walaacsan yahay sii xoojinta rabshadaha ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.