1 min read

Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta shir la qaatay Taliyeyaasha Booliska, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir, Qaybaha, Saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Fadhiyada Madaxa Bannaan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayey adkaynta amniga guud ee Dalka iyo si gaar ah amniga caasimadda Muqdisho. Oo mararka qaar ay ka dhaceen falal lidi ku ah amniga oo ay geystaan Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa Saraakhiisa Ciidanka Booliska faray in si weyn looga hortago falalka liddiga ku ah amniga, lagana feejignaado dhagaraha ay Khawaarijta arxanlaaweyaasha ahi u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale na la labo jibbaaro dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda Muqdisho.