1 min read

Ronaldo oo ku soo baxay gool dhige cajiib ah & Booska ay hadda ku jiraan (Daawo)

Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa isu rogey gool dhige halkii lagu yaqaanney gool dhaliye ahaanta, isagoo kulankii ugu dambeeyey sameeyey laba caawin, kuwaasoo ay ku jirto mid faraha laga taagey, kulankii ay Al-Nassr guuldarradii ku badday Al-Taawoun oo ay 2-1 dirtay horyaalka Saudi Pro League fiidnimadii Jimcahan.

Inkasta oo uu dhaliyey 5 gool labadii kulan ee ugu dambeeyey, xiddigga shanta jeer ku guulaystey Ballon d’Or ayaa awoodi waayey in uu shabaqa soo taabto kulankan, laakiin waxa uu muujiyey aragti yaab leh oo uu kaad dhex tuur ah kaga dhex bixiyey difaaca Wolves.

Baaskiisa waxaa helay Abdulrahman Ghareeb, kaasoo maray goolhayaha, si uu ciyaarta kaga dhigo dhigay 1-0.

Ronaldo ayaa markii uu dhowr jeer tijaabiyey goolhayaha Al-Taawoun, waxaana xusid mudan inuu baasay kubad qurux badan oo uu si aan anaaniyad lagu arag uu ugu dhiibey Abdullah Madu kaasoo shabaqa ku hubsaday goolkii labaad.

Guushan ayaa Al-Nassr ka dhigaysa inay ku dhibco yihiin hoggaanka Horyaalka Sacuudiga ee Al-Itixaad, kuwaasoo 3-0 ku garaacay Ettifaq Khamiistii.

Halkan hoose ka daawo….