1 min read

Shirka Beelaha Dhulbahante Oo Maanta Ka Furmay Laascaanood

Shirweynaha dhulbahante ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah uga furmay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Shirka oo maalmihii la soo dhaafay ay qaban qaabadiisa socotay ayaan illaa hadda la ogayn waxa  diirada lagu saari doono balse wararka qaar ayaa sheegaya in shirka go’aan lagaga gaadhi doono masiirka magaalada Laascaanood.

Hoggaanka Isimada Dhaqanka ee ugu sarreeya beelaha dhulbahante ayaa ku wada sugan halka shirkan lagu qabanayo.

Shirkan ayaa ka dhashay kacdoonka ay sameynayeen shacabka magalada oo ka cadhooday dilal ka dhacay Laascaanood loogu geysanayo haldoorka magaalada, waxaana magaaladaasi ka dhacay dibadbaxyo lagaga soo hor-jeedo dilalkan.

Xukuumadda Somaliland ayaa si taxadar leh ula socota shirka beelaha dhulbahante, waxa ayna isha ku haysaa war-murtiyeedka lagu wado in shirka laga soo saaro.

Muddo saddex maalmood ah ayuu socon doonaa shirku, waxana la filayaa in qodobo laga soo saaro dhammaadka shirka.