26 Apr, 2024
1 min read

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano dhowr ah oo hoostaga deg.Balcad.

Howlgallo ay sameeyeen Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa waxaa u suurto gashay inay la wareegaan degaano dhowr ah oo kuyaalla Bariga degmada balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab. Howlgalka oo ay hoggaaminayeen Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo katirsan Golaha Shacabka, Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan, Guddoomiye kuxigeenka amniga degaanka daaru-salaam […]

1 min read

Tababaraha xulka qaranka ee guusha soo hoyiyay oo farriin u soo diray Soomaalida.

Dabaaldeg ayaa xalay ka socday Soomaaliya iyo meelo kale kaddib markii xulka kubadda cagta ee Soomaaliya ee ciyaartoyda ay da’dooda ka yartahay 17-ka sanadood ay shalay galab ku guulaysteen tartanka kubadda cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, iyagoo 3-1 uga badiyay xulka South Sudan. Kulanka kama dambeysta ahaa oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa […]

1 min read

Toddobo dal oo Soomaaliya uga hoos maray liiska dalalka ugu gaajada badan.

Waxaa la shaaciyay liiska waddamada adduunka ee gaajada ugu badana ay ka jirto. Liiskan oo ka kooban 121 waddan, Soomaaliya waxay ka jirtaa 114-aad, waxaa ka hooseeya toddobo dal oo kala ah, sida ay baahisay qiimeysa heerarka gaajada adduunka Global Hunger index. South Sudan Suuriya Chad Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo Madacasgar Jamhuuriyadda Afrika Dhexe Yemen […]

1 min read

Madaxweyne Xasan oo Hambalyo u Diray Xulka Qaranka Ee Ku Guuleystay Koobka Cecafa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyey xulka da’ yarta Soomaaliyeed ee kubadda cagta guusha taariikhiga ay u soo hoyeen qarankooda ayaa tilmaamay dareenka farxadeed iyo qiimaha ay u leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa sheegay in ciyaaryahannada, macalimiinta iyo maamulka xulka da’yarta Soomaaliyeed ay tusaale wanaagsan u noqon karaan […]

1 min read

Ra’iisul Wasaare Xamse “Rag Gogoshii Waa Nabad”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa khudbad dheer ka jeediyay madasha Tana Forum oo sanadkan si gaar ah looga hadlayay sidii loo maareyn lahaa khataraha amniga ee soo wajahaya qaaradda Afrika. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay si caqabadaha heysta qaaradda wax looga qabto inay muhiim tahay bulshooyinka oo ah kuwa awoodda […]

1 min read

Wasaaradda Ganacsiga xukuumadda Somalia oo soo saartay digniin ku wajahan Ganacsatada.

Wasaaradda Ganacsiga xukuumadda federaalka ayaa ka dalbatay dhigeedda Cadaaladda iyo Dastuurka in ay shatiyada kala noqoto nootaayooyinka “sida tooska ah ula shaqeeyo argagixisadda”. Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, Ganacsiga iyo Warshadaha, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, oo sheegay in ganacsatada ay “si toos ah uga qeyb-qaataan dilka shacabka” ayaa sheegay in dowladda ay la wareegi doonto hantida shirkad kasta […]

1 min read

Jarmalka oo kaalmo dhaqaalle u balanqaaday Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxda Horumarinta Afrika u qaabilsan Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Horumarinta Caalamiga ah ee Dawladda Jarmalka. Ergeyga ayaa masuuliyiinta uu kulanka la qaatay uga war bixiyay dhibaatada abaaraha ka jira Soomaaliya, in dalku qarka u saaran […]

1 min read

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka.

Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka. Kulankan oo ahaa kii 145-aad ee Baarlamaanka Adduunka ayaa waxaa Soomaaliya uga qayb galay Shan Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka labadiisa Aqal oo ay ka mid ahayd Senator Samsam Daahir Maxamuud. Fadhiga kulanka oo looga hadlay arrimo […]