1 min read

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano dhowr ah oo hoostaga deg.Balcad.

Howlgallo ay sameeyeen Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa waxaa u suurto gashay inay la wareegaan degaano dhowr ah oo kuyaalla Bariga degmada balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay hoggaaminayeen Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo katirsan Golaha Shacabka, Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan, Guddoomiye kuxigeenka amniga degaanka daaru-salaam Maxamed Deeq Geedow iyo saraakiil kale ayaa lagula wareegay degaannada kala ah, Mukaydheere, Yaaqle, Shanlow, Kooreebe, Farbarako & Dhagaxow, halkaas oo muddo badan ay maamulayeen Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta howlgalka hoggaamineysay ayaa goob fagaaro ah kula hadlay bulshada degaannadii ay la wareegeen oo u dhow Tuulada Xawaadleey ee degmada Balcad, iyaga oo ka dalbaday inay la Shaqeeyaan Ciidamada Amniga.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in howlgalka intii uu socday meelaha qaar uu ka dhacay dagaal kooban, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in badi ay degaannada kula wareegeen si nabadgelyo ah, isla markaana howlgallada ay sii wadi doonaan.

Degaannada ay Maanta Ciidamada Millateriga Soomaaliya ay la wareegeen ee kuyaalla duleedka Bari ee degmada Balcad ayaa kasoo gudbi jiray Xubnaha katirsan Ururka Al-Shabaab ee gurmadka u tegai jiray degaanka Basra iyo tuulooinka u dhaxeeya degmooyinka Balcad & Afgooye, halkaas oo dhowr jeer ciidamada dowladda ay weerareen.