1 min read

Ruushka oo duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyey gudaha Ukraine.

Diyaaradaha Ruushka ayaa la sheegay habeennimadii xalay iney duqeymo culus ka geysteen qaybo ka mid ah Koonfurta iyo Bariga Ukraine.

Barasaabka gobolka Dnipropetrovsk Pavlo Kyrylenko ayaa sheegay in saddex qof oo uu ku jiro ilmo yar ay ku dhinteen shan kalena ay ku dhaawacmeen weerarro gantaallo ah oo lagu qaaday caasimadda gobolka Dnipro, halka 13 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen duqeyn loo geystay warshad ku taallo Kryvyi Rih.

Duqeyntaasina waxaa la sheegay iney ku burbureen in ka badan 60 guri oo gaar loo leeyahay.

Barasaabka gobolka Dnip-rope-trovsk wuxuu sheegay duqeyn taa la mid ah oo Arbacadi dhacday iney 6 qof oo kale ay ku dhinteen.

Khabiir arrimaha dagaalka falanqeeya oo ka tirsan machad darsa arrimaha dagaallada oo laga leeyahay Mareykanka wuxuu sheegay ciidamada Ukraine iney ku dhaw yihiin iney hareereeyaan magaalada Luman oo ay ciidamada Tuushka gacanta ku haystaan.