1 min read

Dagaal culus oo ka dhacay degaanka Ceel Qooxle iyo Nabadoon Caan ah oo lagu dilay.

BELEDWEYNE — Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa lagu dilay dagaal culus oo maanta degaanka Ceel Qooxle ee gobolka Hiiraan ku dhexmaray ciidanka degaanka ee Macawiisley iyo kooxda Al-Shabaab.

Dadka ku dhintay dagaalka maanta waxaa ku jiray nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo hormuud u ahaa kacdoonka Al-Shabaab loga soo horjeedo ee ka socda gobalka Hiiraan.

Dagaalka oo ku billowday qarax xoog leh ayeey labada dhinac isu adeegsadeen hub culus.

Degaanka Ceel Qooxle oo u dhow xadka goballada Hiiraan iyo Shabellehaha Dhexe ayaa waxaa dhawaan Al-Shababab kala wareegay ciidanka degaanka.

Sida ay VOA u sheegeen ilo-wareedyo degaanka ku sugan, xaaladda ayaa hadda degan, waxaana degaanka Ceel Qooxle ku sugan ciidanka deegaanka ee Macawiisley.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa facebook uga tacsiyeeyey geerida nabadoon Cilmi.

“Mujaahid Cilmi wuxuu kamid ahaa odayaashii ugu horreeyay ee diiday gumeysiga iyo dhibaatada ay dadka Soomaaliyeed ku hayso argagixisadu, wuxuuna astaan iyo halbeeg u yahay jihaadka iyo dabargoynta ka dhanka ah kuwa dadkeenna nabadda iyo xasiloonida u diiday,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

“Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu Mujaahid Cilmi ka waraabiyo Jannadiisa midda ugu sareysa.”