1 min read

Iska hubi Muraayadda, Adiga oo qaawan.

Dukaamada qaar, Haddii aad gasho Qolka Dharka la is kula cabiro oo aad dharkii aad wadatay iska saarto, si aad u hubsato in dharka cusub uu kula eg yahay ama kugu haboon yahay.
Ama Guud ahaan Qolalka sida gaar ah loogu tala galay in aad Xaajadaada ku gudato sida Musqulaha Hotelada qaar iyo kuwa kaleba. Iska hubi

1. Haddii  Muraayadda aad  Fartaada saarto oo ey kuu muuqato in Fartaada iyo Muuqaalka Fartaada ee Muraayadda ka muuqdo ey isgaareen, sida ka muuqato (Sawirka: 1aad)

Ogow, waa Muraayad caadi ah, dhib male.

2. Haddii Muraayadda iyo Fartaada ey u dhexeyso meel Banaan oo eynan is gaareyn Fartaada iyo muuqaalka Fartaada ee Muraayadda ka muuqdo.( Sawirka: 2aad).

Ogow, waxaa lagaa fiirsa karaa dhinaca kale ee Muraayadda si toos ah, ama muuqaalka waxaa meel kale u gudbin karo Muraayadda.

Adiga iyo Madaxduba iska fiiriya  Hoteladda aad  dageysaan, Dukaamada, Harqaanada ,Super market-yada iyo meelaha la midka ah.

Waa iga Talo, walaalkeey/ walaashey, iska hubi Muraayadda.

Qore: Yahya Amir