1 min read

Ciidanka Dowladda oo sheegay inay burburiyeen Maxkamado Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Bay.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo qorsheeysan ka sameeyay degaano ka tirsan gobolka Bay ayaa bur-buriyay Maxkamado ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Saraakiisha Hoggaamineysa Howgalka ayay Ciidanka gaar ahaan Ururka 46-aad Guutad 8-aad Qeybta 60-aad ayaa sheegay in howlgalka si gaar ah uga sameeyeen deegaannada War-iishe, Keeysaneey, Buulo-jadiid, Raamo-cadooy, iyo Moodo Moodo.

Taliyaha Ururka 46-aad Xidigle Muxudiin Maxamed Xaaji ayaa Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidanka ay buriyeen Xarruumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannadaasi.

Talyaha ayaa xusay in ay sii xoojin doonaan howgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobolka Bay.