1 min read

Itoobiya oo mar kale  ka hadashay dagaalka Liyuu Booliska iyo Shabaab.

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada ay dileen 85 kamid ah dagaalyahannada Shabaab isla markaana ay ka qabsadeen deegaanno badan.

Ciidamada militeriga ee Itoobiya ayaa ku biiray ciidanka Liyuu Booliska oo wado dagaal ka dhanka Al Shabaab.

Sarkaal sare oo ka tirsan militeriga Itoobiya ayaa sheegay in la qaaday howlgallo xubnaha Shabaab looga nadiifinayo Shabaab iyadoo shaley uu dagaal ka dhacay tuulada Laas-qurun oo u dhaw degmada Feer-Feer oo ku taalla xadka Itoobiya uu la wadaago gobolka Hiiraan.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Dowlad Deegaanka ay sheegtay in ciidamadeeda ay dileen in ka badan 100 Shabaab ah kuwaas la sheegay in xilliggaas ay isku hareereeyeen tuulada Huhlul oo ku taalla gobolka Afdheer kadib markii ay Shabaab kasoo tallaabeen tuulada Aato ee gobolka Bakool.

Al Shabaab weli kama aysan hadlin arrintan balse waxay hore u sheegeen inay dileen ugu yaraan 87 kamid ciidamada Liyuu Booliska ee Dowlad Deegaanka.

Goob joogayaal ayaa BBC u sheegay inay arkeen in dagaalyahannada Shabaab ay ka gudbeen xuduudda Soomaaliya iyagoo galay dhinaca Itoobiya.