26 Apr, 2024
1 min read

Al-Shabaab oo laga qabsaday deegaan hoos yimaada Guraceel.

Ciidamada Militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in ay maanta la wareegeen gacan ku heynta Deegaanka Jaw oo qiyaastii 55-km u jira Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Saraakiisha Ciidanka Hoggaamineysa ayaa sheegay in ay dagaal la galeen dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka, isla markaasna ka saareen. Saraakiisha ayaa tilmaamay in ay hadda gacanta ku […]

1 min read

RW Xamse oo dhageystay Warbixin ku aadan Howlgallada ka socda dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka looga arrinsaday Sugidda Amniga iyo howlgallada ka socda dalka ee ka dhanka ah Al-shabaab. Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada iyo Saraakiil ka socotay Hay’addaha Amniga dalka. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha dib-u-xoreynta deegaannada ay ku sugan […]

1 min read

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Odayaasha Dhaqanka kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kulan wadatashi ah waxaa uu la yeeshay odeyaasha dhaqanka ee Galmudug isaga oo kala hadlay kaalintooda la xiriirta dib-u-heshiisiinta, xasilinta deegaannada laga xoreeyey Alshabaab iyo ka feejignaanta dhagartooda is kahor keenista beelaha. Wasiirka waxaa uu iftiimiyey sida ay kooxda argigixisada u qorsheynayaan […]

1 min read

Afhayeenka Al-Shabaab oo ka hadlay kacdoonka dadka shacabka ka wadaan Gobolada dalka.

Afhayeenka Guud ee ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kacdoonka ay bilaabeen dadka shacabka, islamarkaana looga soo horjeedo ururkooda. Cali Dheere ayaa beelaha Soomaaliyeed ugu digay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka xilligan ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka, isagoona ku hanjabay in ay beegsan doonaan […]

1 min read

Madaxweyne Soomaaliya oo gaaray magaalada London.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  gaaray magaalada London ee Dalka Ingiriiska. Madaxweynahalkaa oo uu uga qeyb galayo maalinta Berrito ah Aaska Boqoraddii Ingriiska Elizabeth II oo geeriyootay 8 September 2022. Madaxweynaha ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu ku sugnaa dalka Mareykanka oo uu kaga qeyb galay shirar uu la yeeshay Madaxda […]

1 min read

Beesha Murusade oo Muqdisho ka bilowday Diyaar garoow xooggan oo lagu xoreynayo Ceelbuur iyo Galhareeri.

Diyaar garoow xooggan oo lagu xoreynayo Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa kasocda Magaalada Muqdisho. Beesha Murusade oo shir isugu timid ayaana go’aansatay iney si deg deg ah isugu keento Afartan gaari oo tikniko ah iyo afar boqol oo wiil. Marka laqiyaasay argagixisada kusugan dhulka Murusade ayaa la ogaaday ineysan kabadnayn boqol wiil waxaana loo qorsheeyay […]

1 min read

Dagaal dhexmaray Kyrgyzstan iyo Tajikistan iyo khasaaraha ka dhashay.

Wararka ka imanaya badhtamaha qaaradda Aasiya ayaa sheegaya in dalalka Kyrgyzstan iyo Tajikistan, inuu dhex maray iska hor-imaad dhimasho iyo dhaawac badan geystay, kaas oo ka dhacay xuduudda ay wadaagaan, labadan dal ee hore uga mid ahaan jiray Midawgii Soofiyeeti ee burburay. Kyrgyzstan ayaa sheegtay Axaddii in illaa 36 qof ay dhinaceeda ka dhinteen, halka […]

1 min read

Dawladda Soomaaliya oo sheegtay inay hawlgallo cusub ku dileen 54 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab

MUQDISHO – Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal cusub oo ay iska kaashanayaan ciidamada milateriga ee Soomaaliya iyo dadka deegaanka oo ka socda deegaanka Yasooman ee hoostaga degmada Buula-burde in lagu dilay in ka badan 45 xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabab. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkani […]

1 min read

Ciidamada oo burburiyay Miinooyiin Al-shabaab ku aaseen deegaano ka tirsan G/Gaduud.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo ka sameeyay inta u dhaxeysa Degmooyinka Guriceel  iyo Ceelbuur ee gobolka Galguduud. Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in howlgallada ay ku burburiyeen Miinooyin ay Al shabaab ku aaseen wadada u dhaxeysa Guriceel  iyo Ceelbuur. Sidoo kale, Ciidanka ayaa sheegay in ay xoojin doonaan howlgalada dhanka ah Al-shabaab ee ka socda […]