1 min read

Beesha Murusade oo Muqdisho ka bilowday Diyaar garoow xooggan oo lagu xoreynayo Ceelbuur iyo Galhareeri.

Diyaar garoow xooggan oo lagu xoreynayo Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa kasocda Magaalada Muqdisho. Beesha Murusade oo shir isugu timid ayaana go’aansatay iney si deg deg ah isugu keento Afartan gaari oo tikniko ah iyo afar boqol oo wiil. Marka laqiyaasay argagixisada kusugan dhulka Murusade ayaa la ogaaday ineysan kabadnayn boqol wiil waxaana loo qorsheeyay afartankaas gaari iyo afartaas boqol oo wiil iyadoo ay ciidankan xoojin doonaan Macaawisleyda kusugan deegaanka.

Hubka, gaadiidka iyo wiilasha ayaana sidatan loo qeybsaday.

1- Abbakar Boqol wiil iyo toban gaari oo tikniko ah

2- Habarceeno boqol wiil iyo toban gaari oo tikniko ah

3- Habar Maxamed Boqol wiil iyo toban gaari oo tikniko ah

4) Habar iddinle iyo Cabdalle boqol wiil iyo toban gaari oo tikniko ah.

Gaadiidkan iyo ciidankan ayaa insha Allaahu mari doona waddada xeebta iyagoo is kaashan doona Beesha Wacaysle oo iyaduna kujirta diyaar garoow xooggan si howl galku halmar u wada billowdo oo aan argagixisadu isugu gurman.

Dhanak kale Beesha Duduble ayaa iyaduna shalay billowday iney ciidamo ku daad gureyso diyaarado maaddaama dhulkoodu ka dhowyahay dhanka Dhuusamarreeb halkaas ayeyna kadhaqaaqi doonaan insha Allaah.

Ballanteenni waa soo afjaridda argagixisada Alshabaab