1 min read
Madaxweyne Soomaaliya oo gaaray magaalada London.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada London ee Dalka Ingiriiska.
![](https://somaliweyn.org/wp-content/uploads/2022/09/Xasan-Socdaal-780x470-1-1.jpg)
Madaxweynahalkaa oo uu uga qeyb galayo maalinta Berrito ah Aaska Boqoraddii Ingriiska Elizabeth II oo geeriyootay 8 September 2022.
Madaxweynaha ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu ku sugnaa dalka Mareykanka oo uu kaga qeyb galay shirar uu la yeeshay Madaxda dalkaasi iyo dadka daneeya Arrimaha Soomaaliya.