1 min read

Shir caalami ah oo looga hadlaya horumarinta dawladaha hoose oo ka socda Pooland.

Magaalada Katowice ee dalka Poland, waxan ka socda shirweyne caalami oo ay soo qabanqaabisay hay’adda UN-Habitat. Waxa lagaga wada hadlayaa arrimaha udub dhexaadka u ah horumarinta dawladaha hoose iyo maamulada maxaliga ah.

Ajendayaasha ugu mudan waxa ka mid ah magaalowga iyo caqabadaha ku lammaan, hirgalinta yoolasha horumarka waara, maamul-deegaan loo dhan yahay oo awood u leh adeegbixinta iyo xoojinta adkaysiga magaalooyinka ee dhibaatooyinka dabiiciga ah iyo dadku sameeyaan. Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyin badan oo kala socda wadamada caalamka.

Shirkaasi waxaa Soomaliland uga qeyb galay duqa magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge,