1 min read

Siyaasiga Cabdullaahi Shiikh Xasan oo Qarax lagula eegtay degmada Wadajir.

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax miino oo goordhow ka dhacay Suuqa wayn degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa lala beegsaday gaari uu la socday Siyaasiga Cabdullaahi Shiikh Xasan, xilli uu lugeynayay Masjid saaladda Khudbada ku tukan rabay.

Cabdullaahi Shiikh ayaa la soo warinayaa in uu dhaawac halis ah ka soo gaaray Qaraxa, isaga oo lagu dabiibayo mid kamid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, dad kale oo ku sugnaa Goobta ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo, iyada oo uu qaraxa Burburiyay guryo iyo dugsi Qur’aanka Kariimka lagu barto.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda weerarka Qaraxa ee ka dhacay degmada Wadajir