|

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Sheekh Maxamed Binu Saayid.

Abu Dhabi:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Imaaraadka Carabta ayaa kulan la yeeshay Dhaxal sugaha Abu Dhabi ahna Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ee Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid Ala Nahyaan.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheekh Saayid ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay Sheekh Maxamed Binu Saayid iyo Shacabka Imaaraadka Carabta soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa iyo sidoo kale doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaareen Shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Dhaxalsugaha Abu Dhabi Sheikh Maxamed Binu Saayid ayaa dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay mowqifkii Xukuumadda Soomaaliya ay ku cambaareysay weerarradii argagixiso ee maleeshiyaadka Xuutiyiintu la beegsadeen goobo ku yaalla Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Dhaxal sugaha Abu Dhabi Sheikh Maxamed Binu Saayid, ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya guud ahaan gobolka iyo xiriirka labad dal.

Posted by on Feb 2 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]