Ciidamada Kenya oo sheegay in ay dileen 12 dagaalame oo katirsan Al-Shabaab
Ugu yaraan 12 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay kaddib dagaallo ay ciidamada Kenya la galeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab. War qoraal ah oo kasoo baxay Ciidamada Millateriga Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay dileen dagaalyahannada ka dib markii ay isku dayeen in […]
Koobka Adduunka: Spain oo xasuuqday Costa Rica iyo Belgium oo ka badisay Canada.
Xulka Spain ayaa si xamaasad leh ku bilaabay ciyaaraha Koobka Adduunka, kadib markii uu 7-0 ku xasuuqay waddanka Costa Rica Arbacadii, iyada oo uu Ferran Torres laba gool dhaliyay iyo gool cajiib ahaa oo uu dhaliyay Gavi taas oo keentay in ay dhaafaan 100-gool oo Koobka Aduunka ah. Spain ayaa si aan kala joogsi lahayn […]
Howlgalo iyo Duqaymo wada socda oo lagu dilay 49-ruux Al-S
Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal iyo duqeymo dhinaca cirka ah oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 49 Xubnood oo katirsan Ururka Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ilaa iyo 49 xubnood oo ka tirsan tirsan Al-Shabaab lagu dilay tiro kalana lagu dhaawacay howlgal qorshaysan […]
RW Xamza oo Qadar ka codsaday inay kordhiso dhaqaalaha ay siiso Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalka Soomaaliya Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi, oo shalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo. Mudane Xamse iyo Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa si qota dheer uga wada-hadlay xoojinta xariirka iyo […]
Jaamacadda Carabta oo shir ka yeelanaya abaaraha ka jira Soomaali
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Hossam Zaki, ayaa shaaca ka qaaday in 6-da bisha December ee soo soota la qaban doono shir caalami ah oo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa abaaraha ka jira Soomaaliya,isla markaana, kor loogu qaadi lahaa haqab-beelka cuntada iyo kor u qaadista awoodda la qabsiga isbedelka cimilada ee […]
Xulka Japan oo guuldarro lama filaan ah kaga naxsaday Germany.
Japan ayaa guuldarro lama filaan ah ku dhufatay Germany, oo ah mid ka mid ah dalalka loo saadaalinayo Koobka Adduunka, cayaartii koowaad ee Group E. Cayaarta oo ku dhamaatay 2-1, ayaa waxaa goolka ku hormaray Germany oo daqiiqaddii 33-aad uu u dhaliyey Ilkay Gundogan, goolkaas oo ahaa rigoore. Hase yeeshee, Japan ayaa sameysay soo laabasho […]
Nin hubeysan oo ugu yaraan 10 qof ku dilay Mareykanka.
Nin hubeysan ayaa ilaa 10 qof ku dilay dukaan ku yaalla Chesapeake, ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, sida ay booliisku sheegeen. Nin la rumeysan yahay in uu ahaa maamulaha dukaanka ayaa rasaas ku furay dadkii halkaas ku sugnaa kadibna waa uu is dilay. Maamulka magaalada Chesapeake ayaa bartooda twitterka ku soo qoray “boolisku waxay […]
Milkiilayaasha Manchester United oo ku dhawaaqay inay iibinayaan kooxda.
Milkiilayaasha Manchester United ee qoyska Glazer ayaa sheegay inay tixgalinayaan inay iibiyaan kooxda iyagoo ” sahaminaya taallaaboyin kale oo istiraatiiji ah”. Qoyskan oo reer Maraykanka ah ayaa ku iibsaday Kooxda ku dheesha Old Trafford 790 milyan oo gini ($1.34bn) sannadkii 2005-tii. Tallaabadan ayaa timid timid ka dib sanado badan oo ay taagerayaasha ka cabanayeen lahaanshahooda […]
Xukun lagu riday Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab.
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun ku riday Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) oo Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya ka soo qabteen Dagmada Afgooye 13-kii Bishii Juun ee Sanadkaan, isaga oo Al-Shabaab u qabilsanaa Qeybta Qaraxyada. War kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada ayaa lagu sheegay in Eeney Ureyn uu Al-Shabaab ku biiray isaga oo yar, […]
Askar Kenyan ah oo lagu dilay Gobolka J/Hoose.
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu dilay ciidamo katirsan kuwa Kenya ee katirsan howlgalka midowga Afrika ee ATMIS, kaas oo ka dhacay xadka Jubadda Hoose uu la wadaago Kenya. Weerarka ayaa waxaa uu yimid kadib markii qof hubeysan uu si farsameysan gudaha ugu galay Xero ay leeyihiin Ciidamada Kenya, isaga oo rasaas […]