1 min read

Milkiilayaasha Manchester United oo ku dhawaaqay inay iibinayaan kooxda.

Milkiilayaasha Manchester United ee qoyska Glazer ayaa sheegay inay tixgalinayaan inay iibiyaan kooxda iyagoo ” sahaminaya taallaaboyin kale oo istiraatiiji ah”.

Qoyskan oo reer Maraykanka ah ayaa ku iibsaday Kooxda ku dheesha Old Trafford 790 milyan oo gini ($1.34bn) sannadkii 2005-tii.

Tallaabadan ayaa timid timid ka dib sanado badan oo ay taagerayaasha ka cabanayeen lahaanshahooda kooxda.

War qoraal ah oo ka soo baxay naadiga ayaa lagu sheegay in guddigu “ay tixgalinayaan dhammaan isbeddelo istaraatiiji ah, oo ay ku jiraan maalgashiyo cusub oo lagu soo kordhiyo naadiga, amaba in la iibiyo”.