1 min read

RW Xamse oo bilaabaya la tashiyo ku aadan magacaabista Golle wasiiro Cusub.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka bilaabo kulamo wadatashi ah oo ku aadan dhismaha xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Kulamada ugu horeeya ayaa R/wasaare Xamse uu la qaadan doonaa guddoonka labada aqalka, qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiinta soomaaliyeed iyo xldhibaannada Baarlamanka Soomaaliya.

R/wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ballan qaaday inuu dhisi doono xukuumad tayo leh oo har iyo habeen u istaagi doonto sidii ay u gudan laheyd waajibka loo igmaday, islamarkaana dalka ka saarta xaalada cakiran ee xilligan ka jirta dalka.

Xamse oo xilka loo magacaabay 15-kii bishaan ayaa wixii xiligaas ka dambeeyay uu bilaabay wada-tashiyo ku aadan sidii uu usoo magacaabi lahaa Golihiisa Wasiirada, oo ay doonayaan inay kasoo muuqdan siyaasiyiin xilal haya iyo kuwo horay u soo qabtay.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa haatan waxa horyaalla fulinta ballan-qaadyadiisa iyo shaqooyin dhowr ah oo u baahan in wax laga qabto, sida hagaajinta xiriirka Arrimaha Dibadda, Amniga, Shaqaaleynta dhalinyarada, wax ka qabashada abaaraha ka jira dalka iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.