1 min read

Booliiska Galmudug oo qabtay Qamri fara badan.

Ciidamada Booliiska degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud ayaa maanta gacanta ku soo dhigay 15 kartoon oo khamri si qarsoodi la doonayay in loo soo geliyo halkaasi,  sida ay sheegeen Saraakiisha Taliska Booliiska.

Howlgalka ayaa si gaar ah Ciidamada uga sameeyeen inta u dhaxeysa deegaannada Galinsoor iyo Tuulo-sarmaan ee Gobolka Galguduud.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in muddo ay ku daba-jireen baadi goobka Khamriga, waxaana ay ugu dambeyn qabteen Gaariga siday oo ahaa NOHA. Waxaa baxsaday laba ruux oo la socday Gaariga waday Khamriga.

Howlgalka ayaa Hogaaminayey talye ku xigeenka Ciidamada Booliska degmada Cadaado labo Xidigle Cabdullaahi Cabdi Daahir.