1 min read

Gabadh dhalinyaro ah oo la shaqayn jirtay Al-Shabaab oo lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah.

Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidamada Soomaaliya ayaa xukun ku ridday gabadh loo haystay inay ka tirsanayd kooxda Al-Shabaab, taasoo siyaabo kala duwan ula shaqayn jirtay.

Xaawo Cismaan Cabdi oo ah gabadh dhalinyaro ah ayaa lagu helay in kooxda ay u hayn jirtay hubka isla markaana ay macluumaad ka keeni jirtay xubnaha dawladda u shaqeeya.

Xaawo ayaa kooxda ku biirtay kaddib markii ay afkaarta xagjirka ah ka heshay barraha internet-ka ee Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Xaawo lagu helay dhammaan eeddihii loo jeediyay, sidaas daraadeedna lagu xukumay 8 sano oo xabsi ciidan ah.