1 min read

Madaxweyne Biden oo digniin u jeediyey Netanyahu ka dib kulankoodii ugu horeeyey

NEW YORK – Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Arbacadii kula kulmay magaalada New York, ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, si uu ugala hadlo qodobo ay ka mid yihiin, tallaabooyinka deegaan ballaadhsiga ah ee ay Israa’iil ka waddo daanta galbeed ee la haysto, iyo isku dayada uu doonayo inuu wax kaga bedelo nidaamka garsoorka ee dalkaas, kuwaas oo dhaleecayn xooggan kala kulmay shacabka dalkaas.

“Waxaan doonaynaa inaan ka wada-hadalno qaar ka mida arrimaha ugu ad-adag” ayuu yidhi madaxweyne Biden, isaga oo u digay Netanyahu, inkasta oo uu markale dib u xaqiijiyey in taageerada Maraykanka ee Israa’iil inay tahay “mid gun dheer”.

Hoggaamiyayaasha Israa’iil ayaa caadiyan lagu casumi jiray aqalka cad ee dalka Maraykanka, toddobaadyo ka dib marka ay xilka qabtaan, hase ahaatee kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee Biden uu la yeesho Netanyahu, taasoo ku soo beegmaysa, sagaal bilood ka dib markii uu ra’iisal wasaaraha Israa’iil soo dhisay xukuumaddiisa dhinaca midig u janjeedha.

Mowqifyada ad-adag ee xukuumadda Netanyahu ee ay kula dhaqmaan shacabka Falastiin iyo dedaaladiisa uu doonayo inuu hoos ugu dhigo awoodaha garsoorka ayaa keenay in Biden uu dib u dhigo kulanka uu la qaadan lahaa Netanyahu.

Warbixintan waxaa qoray Patsy Widakuswara