1 min read

QM iyo Dowladda Soomaaliya oo guddi gaar ah u saaray la dagaalanka musuq maasuqa gargaarka

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa sameeyay guddi soo saari doona istaraatiijiyad wadajir ah si loo yareeyo musuq maasuqa lagu sameeyo gargaarka.

War saxaafadeed kasoo baxay hay’adda maaraynta masiibooyinka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in warbixinta baarista Qaramada Midoobay ay muujinayso daciifnimada ka jirta nidaamka qaybinta gargaarka bani’aadamnimo ee Soomaaliya.

Hay’addu waxay sheegtay inay ku dadaalayso hab cusub oo hubinaya hufnaanta, islamarkaana yareynaya qandaraas-hoosaadyada lagu bixiyo mashaariicda gargaarka ee Soomaaliya

Hay’adda waxay sheegtay inay bilowday baaritaan ku aadan warbixintii ay soo saartay Qaramada Midoobay (QM), taasoo muujisay kiisas ku saabsan in la leexsado gargaarka gudaha dalka.

War qoraal ah oo hay’adda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si hagar la’aanta ah uga go’an tahay inay wax ka qabato eedeymahan culus.

Hay’addu waxay si aan gabasho lahayn u sheegtay inay si buuxda uga go’an tahay in dacwad lagu soo oogo dadka lagu helo inay mas’uul ka yihiin leexinta gargaarka.

Maalin ka hor ayay ahayd markii Midowga Yurub uu si kumeel gaar ah u hakiyay taageeradii dhaqaale ee uu siin jiray barnaamijka cuntada adduunka ee WFP ee Soomaaliya, kaddb markii uu sheegay in xatooyo baahsan iyo ku takrifalka lagu sameeyay gargaarkeeda Soomaaliya.

Baaritaanka ay sameysay QM waxaa lagu sheegay in barakacayaasha (IDPs) lagu khasbo inay bixiyaan kala bar kaalmada lacagta caddaanka ee WFP ay ka helaan, iyadoo loogu hanjabayo in laga laga saarayo diiwaan-gelinta liisaska lacag qaatayaasha.