6 mins read

Macluumaad: Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda Soomaaliya.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Taliye Ku-Xigeenka Xoogga Dalka u magacaabey General Maxamed Nuur Ufurow, isla markaana Taliyaha Ciidanka Lugta u magacaabey G/le Sarre Dayax Cabdi Cabdulle si loo dardar geliyo hawlgalada dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Howlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kula kulmay saraakiisha guutooyinka Gorgor kana dhegeystay warbixinno ku saabsan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo qaatay kaarka aqoonsiga dadweynaha ayaa ku baaqay in muwaadiniintu qaataan si loo sugo amniga loona horumariyo adeegyada dadweynaha.

5- Guddoonka labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay bandhigga filimka dib u curashada qaranimada Soomaaliya oo lagu soo bandhigay doorka walaalaha Jabuuti iyo taariikhda casriga ah ee dowladnimada Soomaaliya.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay bandhigga filimka dib u curashada qaranimada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu horumar ka sameysay amniga kana shaqeynayso Soomaaliya ka caaggan argagixisada.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray sanduuqa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

8- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay qaadashada warqadaha aqoonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha, oo lagu beegay maalinta caalamiga ah ee aqoonsiga dadweynaha 16 Sebtembar.

9- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo magaalada New York uga qaybgalaya Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada New York khudbad ka jeediyay kulan lagu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee Caalamka, wuxuuna kaga warramay isbeddelada amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalku ku tallaabsanayo.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada New York, kula kulmay Xildhibaan Ilhan Omar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo daahfuray mashruuca soo Dib u Soo Kabashada Xasaradaha Soomaaliya.

13- Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo lagu meel mariyay heshiisyo iyo is-afgarad ay Dowladda Soomaaliya la gashay dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

14- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka ku ciribtirayaan Khawaarijta.

15- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka ay inta badan gobolka Mudug ka sifeeyay Khawaarijta, gacantana ku dhigay magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara, Qeycad, Xiin labi, Qodqod iyo deegano kale oo istaraatiiji ah.

16- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamd yihiin Xildhibaan Cabdisalaan xaaji Axmed Dhabancad, Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Jen. Cabdullahi Aadan Xuseen ayaa kormeer ku tagay magaaladda Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo laga saaray Khawaarijta.

17- Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Agaasimaha NISA Mahad Salad Maxamed oo gaaray deegaano laga saaray Khawaarijta oo Mudug ka tirsan.

18- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale) ayaa deegaanada Nuur-Dugle iyo Caddaan Laxey kula hadlay Ciidamada Qaranka iyo xoogaga difaaca shacabka ayaa adkeeyay iskaashiga ciribtirka Khawaarijta.

19- Ciidanka Qalabka Sida ayaa fashiliyay gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa oo Khawaarijta ku weerareen deegaanka Laas-Gacamay oo hoos taga magaalada Bacaad Weyne oo ay ku sugnaayeen Madaxweynaha Galmudug, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

20- Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ugu baaqay dadkii ay Khawaarijtu xoogga uga saareen deegaanada la xoreeyay ee Galmudug in ay dib ugu soo noqdan guryahooda.

21- Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo booqasho dhiiragalin ah ugu tagay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ee degaanadii dhowaan laga xoreeyay ee gobollada Mudug iyo Galguduud.

22- Ciidamada ammaanka magaalada Muqdisho oo fulinaya howlgalo amniga lagu sugayo ayaa deegaanka Daaru-salaam ee gobolka Banaadir ku qabtay gaari laga so buuxiyay walxaha qarxa oo ay Khawaarijtu dooneysay inay shacabka ku leyso.

23- Maamulka Gobolka Banaadir oo raashin ay iska soo uruuriyeen bulshada caasimada ku wareejiyey Taliska Xoogga Dalka si loo dhiira galiyo hawlgalka ciribtirka Khawaarijta.

24- Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Axmed Cali (Doodishe) oo ku sugan magaalada Riyaad ee Sacuudi Caraabiya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Sacuudiga Amiir Abdul-Aziz bin Saud, kuwaa oo ka hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta amniga.

25- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dil toogasha ah ku fulisay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini), oo horay Xarardheere dil ugu geystay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabeel, oo ay militariga ka wada tirsanaayeen September 11-keeda ee sannadkan.

26- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee Ururka G77+China oo laba maalin ka socday magaalada Havana ee dalka Cuba.

27- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay la yeesheen Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo xubno ka tirsan xafiiska Bangiga ee dalalka Bariga Afrika oo ka dhacay Nairobi.

28- Haweenka Magaalada Ceelguula ee Gobolka Mudug ayaa deeq taakulo ah oo iskugu jirtay xoolo, biyo iyo cunooyin ku wareejiyay saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka.

29- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo bandhigtay hanaanka wadatashiga ee Istaraatiijiyada jiilka shanaad (5G).

30- Horjooge Yuusuf Sheekh Xasan oo mudo 12 sano ah Khawaarijta ka tirsanaa ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan gobolka Bakool.

31- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka digtay duufaanta El-Nino.

32- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Bay ku dilay madaxii maaliyadda Khawaarijta ee Gobalka Bay Aadan Gardhuub iyo Maleeshiyaad uu watay.

33- Horjooge, Xasan Musdhaf Dhaayoow oo loo yaqaanno (Shiniyey ) ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee uu fadhigoodu yahay degaanka Goof-Gaduud Buurey ee gobolka Baay.

===DHAMMAAD====