1 min read

Wasiirka Gaashaandhigga ”Ceel la-helay iyo Ceel-garas waa xor shacabku waa in ay dib ugu soo laabtaan”

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan magaalada Ceel la-helay ee gobalka Galgaduud ayaa ugu baaqay Shacabka Khawaarijta ay sida qasabka ah uga saareen Guryahooda magaalooyinka Ceel la-helay iyo Ceel-garay inay dib ugu soo laabtaan.

Wasiirka ayaa sheegay ciidanka Qaranka iyo guud ahaan dowladda inay u taagantahay caawinta iyo garab istaaga dadka deegaanka oo ay dib u dhigeen Khawaarijta.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale aad u bogaadiyay Geesiyaasha dadka deegaanka ee sida buuxda u garab taagan Ciidanka Qaranka oo guulo waa weyn ka gaaray dagaalka Khawaarijta.