1 min read

10 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta oo shabeelaha dhexe lagu dilay.

 Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa Gumarka Cosobow Cali oo hoos taga degmada Ruundhirgood ee gobalka Shabeellaha dhexe ku dilay ku dhowaad 10 ka tirsan Khawaarijta oo doonayey inay weeraraan geesiyaasha dadka deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta ee ku sugan degmadaas.

Sidoo kale ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa ku guulaystay iny ku burburiyay gaari Noha ah oo Khawaarijta ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa.

Ciidamadu waxay ku guulaysteen inay fashiliyaan dhagarta Khawaarijta sidoo kalana ay laayaan maleeshiyaadka ay soo qaldeen, iyadoo qof kale uusan khasaaro ka soo gaarin.