1 min read

Ku dhawaad 300 ruux oo ku dhintay dhulgariir xooggan oo ku dhacay Morocco.

Dhulgariir xooggan oo cabbirkiisu dhan yahay 6.8 ayaa ku dhuftay Dalka Morocco, sida ay sheegtay hay’adda sahaminta saadaasha dhul-gariirkada ee Maraykanka (USGS).

Ugu yaraan 296 ayaa dhimatay 153 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo sida lagu sheegay warbixin hordhac ah oo ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dalka Morocco.

Dhulgariirka ayaa dhacay wax yar ka dib 11pm wakhtiga maxaliga ah (22:00 GMT),iyadoo  xuddunta dhulgariirku uu ahaa 18.5km (11.5 mayl)

Dhulgariirka ayaa ka dhacday meel 72km (44 mayl) waqooyi bari kaga beegan Marrakesh, sida ay sheegtay USGS.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada oo laga soo sheegay dhulgariirku ayaa muujinaya gariir la dareemayo iyo dadka oo ku yaacay waddooyinka iyo dhismayaasha oo gariiraya.