1 min read

Suuqa kala iibsiga Sacuudiga oo xalay xirmay iyadoo Maxamed Saalax uu sii joogayo Liverpool.

Waxaa xalay si rasmi ah u soo xirmay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Sacuudiga, wuxuuna suuqa xirmay iyadoo xidiga Liverpool, Maxamed Saalax uu joogo Anfield.

Indhawaalaba waxaa aad loo hadal hayay in Saalax uu ku biiri doono kooxda Al-Itihaad oo ka disan Sacuudiga kahor intuusan suuqu xirmin, nasiib darro, Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay diiday dalabka kooxdaasi.

31 sano jirka u dhashay Masar, ayaa waxaa loo soo bandhigay heshiis gaaraya 150 milyan oo pound.

Dhowr kooxood oo ka dhisan Sacuudiga ayaa cambaareeyay in suuqa Sacuudiga la soo xiray kadib ku dhowaad todobaad kadib markii la soo xiray suuqa kala iibsiga Yurub.