1 min read

Ciidamada Xoogga dalka oo maleeshiyaad ka tirsan Al- Shabaab ku dilay Berdaale.

Ciidanka qalabka sida oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa jabiyay maleeshiyo ka tirsan khawaarijta oo xalay isku dayay in ay weerar ku soo qaadaan degmada Berdaale ee gobolka Bay.

Ciidanka Xoogga oo ka warqabay damaca dhagarqabayaasha Khawaarijta ayaa halkaas ku dilay horjoogihii kooxda khawaarijta ee soo weeraray degmada iyo maleeshiyaad kale oo la socday.

faahfaahin dheeraad ah ayey Wakaaladda SONNA idin soo gudbin doontaa la socod wanaagsan.