01 May, 2024
1 min read

Dagaal u dhexeeyay ciidanka dowladda iyo maleshiyada Al-shabaab oo ka dhacay Daaru-Nicma.

MUQDISHO:- Wararka ka imanaya gobolka Shabeellda Dhexe ayaa sheegaya in maanta dagaal uu ka dhacay degaanka Daaru-Nicma oo u dhow degmada Ruun-Rirgood, kadib weerar ay halkaasi kusoo qaadeen maleeshiyaadka ururka al-Shabaab. Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadu ay iska difaaceen weerar uga yimid maleeshiyaadka ururka al-Shabaab, khasaare laxaad lehna ay gaarsiiyeen. Dhinaca ururka […]

1 min read

Rabshado ka dhashay Kitaabka Quraanka oo la gubay oo ka dhacay Sweden.

Saddex nin ayaa loo xiray mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay dalka Sweden ka dib markii dalkaasi mar kale lagu gubay kitaabka Qur’aanka. Rabshadaha ayaa dhashay kadib markii nin asalalkiisu yahay oo u dhaq dhaqaaqa Islaam naceybka oo lagu magacaabo Salwaan Momika uu dab qabadsiiyay kitaabka Quraanka galabnimadii Axadda. Booliska ayaa sheegay in ay xireen […]

1 min read

Odayaal dhaqameed bilaabay in la kala qaado meleeshiyaadka buurta Gacan Libaax.

Waxaa saaka magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyada iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ka amba baxay odayaal dhaqameed ku sii jeeda buurta Gacan Libaax ee bartanka kaga taal magaalooyinka Hargeysa Berbera iyo Burco. Ujeedka socodaalka odaashan ayaa ah in la kala qaado ciidamada Somaliland iyo meleeshiyaad halkaa isku hor-fadhiya horeyna diriri u dhex martay, […]

1 min read

RW Xamsa iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo oo u Ambabaxay Dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa inta uu joogo kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda dalka Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya […]

1 min read

Tiyaatarka Qarnka oo si rasmi ah uga billaawday tartanka Hirgeli Hibadaada.

Xarunta Wakaaladda Murtida iyo wacyigalinta Qaranka ee Tiyaatarka Qaranka waxaa maanta si rasmi ah uga furmay barnaamijka tartanka Hirgeli Hibadaada oo ka qeyb galayaan bahda Sugaanta qeybahooda kala duwan. Tartanka oo uu horay u daah furay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa muddada uu soconayo  tartamayaasha ku soo bandhigi doonaan sugaan ka hadleeyso […]

1 min read

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday Ciidanka Xoogga ee ku sugan furimaha hore ee Bariga G/Galgaduud.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan aagaga furimaha hore  ee dagaalka ayaa halkaas kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la hadley guutada 27-aad ee Abuu-dujaanah oo ku sugan furimaha bariga gobolka Galgaduud, isagoo u tilmaamay muhiimadda uu leeyahay dagaalka ay ciidanka […]

1 min read

Ammaanka goobta shirka isbadelka cimilada Afrika ee Nairobi oo la adkeyay.

Kenya ayaa martigelinaysa shir madaxeedka cimilada Afrika, si looga tashado sidii qaaraddu ay u qaadi lahayd tallaabooyin wax looga qabanayo isbadelka cimilada. Shir-madaxeedka, oo dhacaya maanta ka furmay Nairo isla markaana socon doono ilaa Arbacada, ayaa ujeeddadiisu tahay in la soo saaro qorshe guud oo lagula tacaalayo isbeddelka cimilada iyo soo jeedinta qaab-dhismeed maaliyadeed oo […]

1 min read

Jeneraalkii ina adeerkii xilka ka turay oo loo dhaarinayo maanta madaxweynaha Gabon.

Madaxa militariga ee Gabon, Jeneraal Brice Oligui Nguema, ayaa lagu wadaa in loo dhaariyo xilka madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi. Ciidamada ayaa xilka ka tuuray madaxweyne Ali Bongo Arbacadii wax yar kadib markii lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay doorasho lagu murmay. Taageerayaasha hoggaanka milateriga ee dalka Gabon ayaa la filayaa inay ka […]

1 min read

Raysal Wasaaraha Israa’iil oo amar ku bixiyay in la tarxiilo dad Afrikaan ah.

Israa’iil ayaa ka fiirsanaysa tillaabooyin adag oo ay ku jiraan in si degdeg ah loo masaafuriyo magan-galyo-doonka Eritrea ee ku lug lahaa rabshadihii ka dhacay Tel Aviv Sabtidii. Ilaa 170 qof ayaa ku dhaawacantay isku dhacyo rabshado wata oo dhex maray booliska kooxo taageersan iyo kuwa ka soo horjeeda taliska Eritrea. Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu […]