1 min read

Jeneraalkii ina adeerkii xilka ka turay oo loo dhaarinayo maanta madaxweynaha Gabon.

Madaxa militariga ee Gabon, Jeneraal Brice Oligui Nguema, ayaa lagu wadaa in loo dhaariyo xilka madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi.

Ciidamada ayaa xilka ka tuuray madaxweyne Ali Bongo Arbacadii wax yar kadib markii lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay doorasho lagu murmay.

Taageerayaasha hoggaanka milateriga ee dalka Gabon ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan caleema saarka Gen Nguema.Inkastoo xaaladda waddanku deggan tahay haddana ammaanka ayaa aad loo adkeeyay.

Hogaamiyaha afgambiga sameeyay ayaa la sheegay in ay ilmo adeer yihiin madaxweynihii xilka laga tuuray ee Ali Bongo, taasoo keentay shakiga laga qabo in tani ay dhab ahaantii soo afjarayso 55-tii sano ee Bongo.

Jeneraal Nguema ayaa sheegay inuusan ku degdegi doonin inuu dalka dib ugu celiyo xukun rayid ah, si looga fogaado khaladaadkii hore.Mucaaradka ayaa iyaguna diginin u jeediyay milatariga xukunka la wareegay.

Gabon waa waddankii lixaad ee ku hadla afka Faransiiska ee hoos taga xukun milatari saddexdii sano ee la soo dhaafay.