1 min read

Odayaal dhaqameed bilaabay in la kala qaado meleeshiyaadka buurta Gacan Libaax.

Waxaa saaka magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyada iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ka amba baxay odayaal dhaqameed ku sii jeeda buurta Gacan Libaax ee bartanka kaga taal magaalooyinka Hargeysa Berbera iyo Burco.

Ujeedka socodaalka odaashan ayaa ah in la kala qaado ciidamada Somaliland iyo meleeshiyaad halkaa isku hor-fadhiya horeyna diriri u dhex martay, kuwaas oo khilaafkoodu uu salka ku hayo arrimaha doorashooyinka oo dhawaan xal laga gaaray.

Mid ka mid ah odayaasha Gacan Libaax ku baxay oo BBC-du la hadlay ayaa ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan howsha ay qabanayaan hase yeeshee wuxuu si kooban noogu sheegay in odayaashu ay iyagu is xil qaameen.

Berri waxaa ku eg muddadii loo qabtay meleeshiyaadka Buurta Gacan Libaax in lagu kala diro dibna looga soo celiyo wixii hub iyo gaadiid ah oo ay dowladdu leedahay oo meleeshiyaadku gacanta ku hayaan.

Dhawaan ayay ahayd markii guddi odayaal dhaqaameed ah ay soo saareen qodobbo dhowr ah oo ku saabsan xa ka gaarista murankii doorashooyinka oo muddo soo jiitamayay, iyadoo inta badan dhinacyadii is hayay ay arrintaa isla qaateen oo ay soo wada dhaweeyeen.