Tiyaatarka Qarnka oo si rasmi ah uga billaawday tartanka Hirgeli Hibadaada.
Xarunta Wakaaladda Murtida iyo wacyigalinta Qaranka ee Tiyaatarka Qaranka waxaa maanta si rasmi ah uga furmay barnaamijka tartanka Hirgeli Hibadaada oo ka qeyb galayaan bahda Sugaanta qeybahooda kala duwan.
Tartanka oo uu horay u daah furay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa muddada uu soconayo tartamayaasha ku soo bandhigi doonaan sugaan ka hadleeyso falalka guracan oo ay khawaarijtu ku heyso shacabka Soomaaliyeed iyo ka qayb qaadashada dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta.
Tartamayaashii saakay lagu daah-furay ayaa halkaas ku soo bandhigay heeso iyo gabayo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, iyo halista kooxaha argagixisada ah.
Mid kamid ah tartamayaasha hirgeli hibadaada oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cabdullaahi ayaa ayaa yiri “Madaxweyne geesi ah markuu talada miisaamay iska dila mariidkana na yiri ee midnimo duula milatari careysani markuu Miigga amar siiyey”
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa daah-furkii toddobaadkii hore ka sheegay in u jeedka yahay sidii kaalin weyn Abwaaniinta Soomaaliyeed uga qaadan lahaayeen dagaalka lagula jiro kooxda khawaarijta, noqdona wejiga saddexaad ee khawaarijta loogula dagaalamayo dhanka Fikirka.
Dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ayey Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u midoobeen, iyadoo Slsuugaantu ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee Soomaalidu fariimaha isku gaarsiiyaan, iyadoo barnaamujkan qayb ka noqonayo qorshaha dowladda ee lagu ciribtirayo fikirka xagjirka.