1 min read

Trump oo sheegay inaanu gelin wax dembi ah oo la xiriira ‘farogelinta doorashada gobolka Georgia’.

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay inaanu wax dembiya gelin, oo la xiriira eedaha ay ku soo oogeen masuuliyiinta gobolka Goergia. Eedahaas oo ku saabsan inuu si sharci darro ah isugu dayay inuu hor istaago natiijadii doorashada madaxtinimada ee sannadkii 2020, taas oo uu ku guuldaraystay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka tanaasulay ballantiisii ahayd inuu si rasmi ah u hortago garsooraha maxkamadda, oo qorshaysnayd toddobaadka soo socda. Taas oo haatan macneheedu yahay, inaanu ka soo hor muuqan doonin maxkamadda ku taalla degmada Fulton ee magaalada Atlanta.

Illaa haatan wakhti rasmi ah looma qaban, xilliga la gudo gelayo dacwaddan, hase ahaatee waxaa loo badinayaa inay noqonayso, muddo bilo ah ah oo haatan ka bilaabanaysa.

Qaar ka mida 19 ka eedaysane ee qaybta ka ah dacwaddan lagu soo oogay Trump, ayaa iyaguna ka tanaasulay, xuquuqdoodii ahayd, inay si rasmi ah ula kulmaan garsooraha, taas bedelkeeda waxay sheegeen inaanay wax dembiya gelin, si dacwadda hore loogu sii wado.

Toddobaadkii hore ayuu Trump ka duulay beertiisa lagu ciyaarto Golf-ta ee ku taalla New Jersey, isaga oo u duulay Atlanta, Georgia, si uu isaga xaadiriyo xabsiga degmada Fulton, halkaas oo daqiiqado kooban lagu xidhay, ka dibna si rasmi ah loogu diiwaangeliyey in lagu soo oogay 13 eedood oo kala duwan.

Intii uu ku sugnaa xabsiga degmada Fulton, waxaa la sawiray faraha Trump, isaga oo noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Maraykan soo mara ee laga qaado sawirka dadka la xirayo.

WQ Ken Bredemeier