1 min read

Taliban oo saxeexday qandaraasyo ku kacaya balaayiin dollar.

ISLAMABAD – Xukuumadda Taliban ee ka talisa Afghanistan ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay heshiisyo ku kacaya illaa $6.5 billion oo dollar ay la galeen shirkado ka kala socda dalalka Shiinaha, Iran, Turkiga iyo Britian.

Shahabuddin Dilawar oo ah wasiirka macdanta iyo batroolka ee Taliban ayaa sheegay inay toddobada qandaraas ee ay bixiyeen ay ku saabsan yihiin, soo saarista iyo habaynta dahabka, naxaasta, birta, rasaasta, iyo macdano kale oo ay caan ku tahay Afghanistan.

Xafladda lagu saxeexayey heshiisyadan oo si toosa loogala socday warbaahinta ayaa lagu soo beegay sannadguuradii labaad ee markii ay isbahaysiga Maraykanku hoggaaminayeen ay ka soo baxeen dalka Afghanistan.

Wasiirka macdanta iyo batroolka ee Taliban ayaa sheegay in shirad ka socota dalka Shiinaha in lagula heshiiyey inay dahab ka soo saarto deegaanka Takhar, kaas oo xukuumadda Taliban ay heli doonto 65% faa’iidada ka soo baxda, shanta sano ee soo socota.

Dilawar ayaa sidoo kale sheegay in qandaraasyo kale la siiyey shirkado ka socda Turkiga, Iran iyo Britian, si ay maalgashi ugu sameeyaan macdanta iyo farsamaynta birta ee deegaanka Herat. Xukuumadda Afghanistan ayaa qaadan doonta 13% oo ka mida faa’iidada soo baxda muddo 30 sannadood ah.

Warbixintan waxaa qoray Ayaz Gul