1 min read

Nasashada Jimcaha. Q-372 =intaad Cayayaan noqon leheyd, iska aamuus=

1. Nin ayaa yiri: Alloow, Hal Million Dollar isii, Saaxiibkii ayaa ku yiri: Allaah ku sii maayo. Ninkii ayaa yiri: Maxaa dhacay? Saaxiibkii ayaa yiri: Alle waa naxariis Badan yahay, Allana waa ogyahay Haddii 5000 Dollar lagu siiyo in aadan Habeenkaa Hurdeeyn. Allaah waxa uu kaaga naxariisanayaa Dhibka ku gaarayo hadduu Hal Million ku siiyo.

( Allaah iimaan ka tuug, kadibna Xoolo ka tuug).

2. Murti ayaa leh: Aamusnaantu Wakhtiyada qaar waa wanaagsantahay, Haddiiba aad ogtahay in Hadalku uuna wax ka bedeleeyn Xaaladda Jirto. ( F.S : 1aad)

( intaad Cayayaan noqon leheyd, iska aamuus)

3. Nin ayaa yiri: Xaasasku waa Labo. Waxaa lagu yiri: noo sheeg?. Waxa uu yiri: Tan 1aad waa: waxa ay u dhaga nugushahay Saygeeda, waxa ay fahmee Baahidiisa iyo waxa uu rabo. Mar kasta waxa ay u muujinee Jaceeyl. Xattaa haddii Ninkeedu ka careeysan yahay, waa u dhoola cadeeynee.

Waxaa lagu yiri: tan 2aad noo sheeg? Waxa uu ku yiri: waa tan Guriga idiin joogto. (F.S: 2aad)

( Aniga tee aad wada joogtiin. 1aad & 2aad. Nin waliba waxa uu ku jawaabaa 1aad.isaga oo is leh amaa Xaaskaagu Akhrisaa Comment-ga)

4. In lagu Xasdo kuma xirno Hantida iyo waxyaabaha Maadiga ah ee aad heeysato. Waxaa jiro Dad haddii ay arkaan Adiga oo aan wax heeysan laakin lagu jecelyahay, la Jiranaayo Xaasidnimo darteed. (F.S: 3aad)

(Alla ha naga najeeyo)

5. Farqiga u dhexeeyo Yaxaaska Lab iyo kan Dhidig. Kan Lab waa kan ka dhinac muuqdo kan dhidig.( F.S: 4aad)

( Siyaasiyiinta qaar sidaa ayeey wax u tilmaamaan, sidee la isku fahmaa)

6. Wiil ayaa yiri: Saaxiibteey ayaan Xalay wacay, waxaan ku iri: ( I miss you Haney), waan kuu hiloobay Malabeey.
Hooyadeed ayaa iiguna Jawaabtay: Malabeey waa Hurudaa, waxaad la hadlee Shinidii. Jacda iga xoga. (F.S: 5aad)

( Dhalin yarooy, Salaanta Islaamka ku bilaaba, kadib markaad Codka fahamtaan …..)

Qore : Yahya Amir