1 min read

Wasiir Roobow “Khawaarijta waa laga adkaanayaa, meelo badan ayaana looga adkaaday”.

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta dowladda FS mudane Mukhtaar Roobow iyo qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidanku ka gaareen furimaha dagaalka, iyagoo caddeeyey in dagaalkan uu yahay mid xaq ah oo lagula dirirayo koox burcad ah oo diinta Islaamka ka been sheegtay.

Wasiir Mukhtaar ayaa xusay in dowladda Soomaaliya maanta ay ka go’antahay ciribtirka Khawaarijta, madaxda Qarankuna ay joogaan furimaha si ay ciidanka u hoggaamiyaan, islamarkaana awoodda dowladda ugu jiheeyaan furimaha dagaalka.

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada shirka jaraa’id qaybta ka ahaa ayaa caddeeyey in Khawaarijtu ay yihiin koox shar badan oo diinta Islaamku bayaanisay, islamarkaana ay waajib tahay in lala dagaalamo, maadaama dilkooda laga helayo ajar iyo xasanaad.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa isna xusay in ciidamada qalabka sida iyo ciidamada deegaanka ee la dagaalamaya Khawaarijta iyaga oo haya shaqadii ay Asaxaabadii hayeen oo ah la dagaalanka Khawaarijta inay gartaan ahmiyadda dagaalka oo ay ku dhiiradaan ciribtirka kooxdan argagixisada ah.